Puntland oo hakisay isku socodka Qardho iyo Boosaaso

Buundada Qayaad-same ee deegaanka Al-xamdulilla oo isku-xidha magaalada dekedda leh ee Boosaaso iyo gobollada kale ee dalka ayaa xalay go’day, kaddib daadad ka dhashay roobab mahiigaana oo da’aya, sida ay sheegeen Booliska Puntland.

Taliyaha qaybta gobolka Karkaar Faarax Nuur Maxamed, ayaa dareewaladda gaadiidlaydda ku wargeliyay in hakad la geliyay Isticmaalka wadada laamigga ah ee xiriirisa magaaladda Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland, ka dib markii roobabkii da’yay sacadihii lasoo dhaafay ay dhaawac soo gaarsiiyeen Buundada Qayaadsame.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta waxa uu sheegay in dhamaan gaadiidka lagu celiyay baraha kaan-tarooladda si loo yareeyo khatar kasta oo ka dhalan-karta, hadana ay ku mashquulsan-yihiin sidii looga hawl-geli lahaa hagaajinta wadadaan oo ay wax yeeleen biyo xoog leh oo uu keenay roob 48dii saac ee lasoo dhaafay ka da’ay deegaanadaas.