Maxaa kasoo baxay kulan ay yeesheen maanta Midowga Musharixiinta iyo Safiirada Beesha Caalamka ?

Midowga Musharixiinta iyo Wakiillada Beesha Caalamka ayaa maanta ku yeeshay aalada ZOOM kulan saacado badan qaatay, kaas oo looga hadlayay marxalada Siyaasadeed ee Dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka iyo Ciidanka gadoodsan ee wali ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Safiirada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ingariinka iyo Mareykanka, waxaana intii uu socday diirada lagu saaray sidii looga wada shaqeyn lahaa qabsoomida doorasho lagu wada qanacsan yahay, iyo sidii Ciidanka taabacsan mucaaradka ay uga bixi lahaayeen gudaha Muqdisho.

Safiirada Beesha Caalamka ayaa ka dalbaday Musharixiinta inay la shaqeeyaan Ra’iisul Wasaaraha si loo qabto doorasho deg-deg ah oo la isla ogal yahay, sidoo kalena loo mideeyo Ciidanka Dowladda.

Midowga Musharixiinta ayaa u gudbiyay Safiirada Beesha Caalamka inay soo dhaweynayaan Hoggaaminta Ra’iisul Wasaare Rooble ee Doorashooyinka, ayna la shaqeyn doonaan, waxaana ay ka sheegeen kulanka in ay taageersan yihiin Ciidanka ka gadoodsan muddo kordhintii fashilantay ee Farmaajo.