Sawirro: Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo kulan ka yeeshay hirgalinta heshiiskii Rooble

Madaxweyneyaashii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo xalinta khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.

Inta uu socda kulanka labada Madaxweyne hore ayaa waxaa looga arrinsaday sidii loo dhammaystiri lahaa heshiiskii uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ee ku aadan Arrimaha doorashooyinka dalka.

Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay sidii loogu diyaar-garoobi lahaa shirka wadatashida qaran loo ballansan yahay inuu 20-ka May ka dhaco Magaalada Muqdisho iyo arrimo oo kale gaar u ahaa.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa iyada oo ay socdaan qorshayaasha loogu diyaar garoobayo qabsoomida Shirka uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roooble isugu yeeray Madaxda dowlad goboleedyada dalka si loo xaliyo khilaafka taagan.