Akhriso: 4 qodob oo Farmaajo ku dhaliyay inuu dalbado in la bedelo John Mahama

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa dalbatay in la bedelo Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika dhowaan u soo magacaabay Xalinta khilaafka doorasho ee Soomaalida John Mahama, oo horey u soo noqday Madaxweynaha Ghana.

Kooxda Farmaajo oo qoraal u diray Midowga Afrika ayaa sheegtay in John Mahama aanu dhex dhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaaliya, maadaama uu dano ganacsi ku leeyahay dalka Kenya.

Hadaba maxaa ay yihiin xaqiiqooyinka ku dhaliyay Farmaajo inuu dalbadeen in la bedelo John Mahama ?

Shabakadda Idilnews ayaa ogaatay in sababta Kooxda Farmaajo ay warqada uga qoreen ergayga cusub ee Midowga Afrika ee aan weli shaqo gelin, ay yihiin dhawr arimood oo niyad jab ku riday kooxda, kuwaas oo kala ah:

1. Ninkii Nigerian-ka ahaa ee u jaajuusi jiray Xaafiisyada Amisom iyo Unsom ee laga saaray Liiska.

2. Wakiilka oo booqan doona Magaalooyinka,Jabuti,Nairobi,Adis,Garowe iyo Kismaayo.

3. Qorshe hawleedka Wakiilka oo laga hagayo Xaafiiska Unsom.

4. Soo jeedintoodii ahayd in uusan meelna tagin ee kaliya Shirka 20-ka uu kasoo qaybgalo oo laga diiday.

Ilaa iyo hada wax jawaab ah kama imaan Midowga Afrika, waxaase dhici karta in lagaba aamuso.

Warqada uu ku dalbanayo Farmaajo in la badalo ergayga cusub waxa kaliya ee ay usoo saa’idinayso waa colaad cusub, sida ay rumeysan yihiin Dadka odarasa Arrimaha Siyaasadda.

Jibril Qoobey.