Puntland oo deegaanadeeda ka mamnuucday Dadka ka imaanaya Hindiya (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay in gudaha Puntland ay soo galaan Dadka ka imaanaya Dalka Hindiya, kaddib markii dalkaas uu ka dilaacay nooc cusub oo cudurka COVID-19, sida ay xaqiijisay Hay’adda WHO.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in nooca cusub ee COVID-19 ee ka jira wadanka Hindiya uu yahay mid ka halis badan noocyadii kale ee Soomaaliya ka jiray.

“Annaga oo ilaalinayna badqabka muwaadiniintayada, waxaan joojinay dadka ka imaanaya wadanka Hindiya, waxaana ka codsanaynaa inay sii joogaan inta xaaladu is badalayso. Hadii ay dhacdo in qof uu yimaadaana waxaan diyaarinay inaan galino labo todobaad oo karantiil ah si loo hubiyo inuu caafimaad qabo meesha uu doono ha soo maro.”

Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada kale inay go’aan kaan oo kale, qaataan si looga badbaado in dad xanuunka qaba ay dalka yimaadaan.

Ugu dambeyntii, Wasiir Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in bishan dhamadkeeda laga bilaabi doono deegaanada Puntland wajiga labaad ee talaalka COVID-19, waxaana uu xusay la siin doono dadkii horay u qaatay kii koowaad, halka dadka aan kii hore qaadana loo sheegayo in wali talaalku diyaar ku yahay xarumaha caafimaadka ee degmada ama gobolka aad joogtid.