Ma dhab baa in Madaxweynaha Puntland uu safray isagoon ka jawaabin dalabka 12 Urur ?

12-ka Urur oo dalbaday in ay la kulmaan Madaxweyne Deni,ayuu ka safray isagoon qaabilin.

Dalabka in ay Madaxweynaha arkaan Uraradu waxuu yimid kadib markii ay ku qanci waayeen hogaaminta Gudiga Doorashada.

Guuleed Saalax mahan Nin Abqari ku ah hogaanka,balse waa Nin urursan oo shaqada Xaafiiskiisa ay maamul uleedahay.

Afhayeenka Gudiga Doorashada oo ah Nin weyn oo waayo aragnimo lagu tuhmayay,ayaa noqday Nin iska sheeko macaan oo aan wax saamayn ah oo badan aan lahayn.

Doodu waxay ka taagan tahay hada doorashada ka bilaabanaysa 3-da Degmo.

Puntland Dimuqraadiyadeeda si ay umuujiso dhaqaaq wanaagsan waxaa muhiim ah in 3-Degmo Ururada saamayntoodu kawada muuqato.

Xisbiga Dowlada waxaa si weyn loogu tuhmayaa in ay galgal u leeyihiin Gudiga,Gaadiidka iyo Dhaqaalaha Dowlada,isla markaana Maamulada Degmooyinku uheelan yihiin.

Beesha caalamku beri ayay ka shiraysaa waxa ay Puntland kala qaban karaan hirgalinta Dimuqraadiyada.

Madaxweyne Deni waxaa laga rabaa in uu si dhow ula socdo shaqada waxna ka qabto cabashada Ururada kuna dadaalo xakamaynta Xisbiga Xukuumada.

Puntland Dimuqraadiyadeeda waxay dani ugu jirtaa in 3-da Degmo mid walba Xisbi gaar ah ku guulaysto.

Jibril Qoobey.