Kenya oo joojisay duulimaadyada diyaaradaha Soomaaliya (Akhriso)

Dowladda Kenya ayaa joojisay duulimaadyada Soomaaliya, marka laga reebo diyaaradaha Qaramada Midoobay iyo kuwa gargaarka.

Duulimaad ku socday Soomaaliya ayaa lagu haliyay saakay Nairobi, tallaabadan ayaana imaanaysa maalmo kaddib markii labada dal ay sheegeen inay dib usoo celiyeen xiriirka diblumaasiyadeed.

Hay’adda duulimaadka Soomaaliya ayaa maalin kahor sheegtay inan la fasaxin Qaadka ka imaan jiray Kenya, iyadoo arrinta loo sababeynayo go’aanka ay Kenya ku joojisay diyaaradaha Soomaaliya uga imaanaya ama tagaya.