Booliska Dowlad Deegaanka oo gacanta ku dhigay Rag qorsheeynayay weerar Argagixiso

Booliska dowlad degaanka Soomaalida ayaa shaaciyay in howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Jigjiga ay suurto gashay inay gacanta ku dhigaan 9 Ruux oo qorsheeynayay inay weeraro argagaxiso ka geystaan Gudaha dowlad degaanka Soomaalida.

Taliyaha Booliska dowlad degaanka Soomaalida Maxamed Cali Xuseen ayaa sheegay in raggaas ay qorsheeynayeen inay weeraraan Xarumaha Diinta, sidoo kale ay jiraan Ajando qarsoon oo ah inay siidaayaan maxaabiis uga xiran Xabsiga Havana.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgallada ay sii socdeen ilaa laga gaarayo Maalmaha Ciidul Fidriga, sidoo kalena ay horay gacanta ugu dhigeen 7 Ruux oo looga shakiyay inay weeraro geysan rabaan.

Booliska dowlad degaanka Soomaalida ayaa inta badan waxaa ay sameeyaan howlgallo kala duwan, iyaga oo dhowr jeer gacanta ku dhigay hub farabadan iyo raggii watay.