Madaxweynaha Puntland oo gaaray Dalka Imaaraadka Carabta, Ujeedka safarkiisa

Madaxweyne Deni waxuu gaaray imaaraadka Caawa,kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay Dowlada Dalkaas.

Garoonka waxaa ka qaaday Walaalkiis oo wata gaari caadiya,mana jirin Diblomaasiyiin iyo Jaaliyad garoonka uga hor tagtay.

Waxaa loo ogolaa in diyaarad loosoo diro,isla markaana wafti gaaraya 30-Qof uu la tago Abu-dhabi,isagaa iska fasaxay.

Maqaamkiisa soo dhaweynta waxaa loo diyaariyay haykal Madaxweyne Qaran,balse isagaa ka cudur daartay.

Nayrobi intii uu joogay hal qofna ma arag waxuuna ku jiray fasax,marka laga reebo kulan uu xalay la qaatay isagoo kaligii ah Madaxtooyada kenya.

Waxaa xusid mudan in Wasiirkii Qorshayntu joogo Nayrobi oo kulankaas in uu ka qaybgalo daayee xataa uusan arag Deni.

Hab dhaqanka Deni waxuu dilayaa Dowladnimada ee waa in looga hor yimaadaa laguna diidaa,iyadoo hadana lagula shaqaynayo danaha guud ee Dowlada iyo shacabka Puntland.

Jibril Qoobey.