Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay Khamri la galinayay Boosaaso (Sawirro)

Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa subaxnimadii saaka ku qabtay Kantaroolka magaalada Boosaaso khamri fara-badan oo la doonayay in si qarsoodi ah loo galiyo magaalada, laguna soo guray kartoonada saliida, sida uu shaaciyay Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari.

Taliska Qeybta Booliska ayaa sheegay in khamridan ay doonayeen inay gudaha magaalada Boosaaso galiyaan Askar katirsan Ciidanka Amniga Puntland. balse ay ka hortageen Ciidanka Kaantaroolka oo baaritaan joogta ku sameeya wax kasta oo Magaalada soogala iyo waxa ka baxa si loo hubiyo.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada uga mahadceliyay dadaalkooda ku aadan qabashada waxkasta oo lidi ku ah amniga, waxaana uu sheegay in ay kula xisaabtami donaan cid walba oo ay cadaato in khamrigaan ay soo galinayeen Magaalada Boosaaso.