Gaadiidka Ciidanka Puntland ee galaya Boosaaso oo la amray in la baaro (VIDEO)

Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa amray in baaris lagu sameeyo Gaadiidka Ciidanka Puntland ee galaya Magaalada Boosaaso, kaddib markii saaka lagu qabtay gaari Ciidan khamri fara-badan oo la doonayay in la galiyo Boosaaso.

G/Sare Xuseen ayaa sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin in Ciidankii ilaalin lahaa Amniga iyo badqabka shacabka, ay adeegsadaan dad ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha, waxaana uu xusay inay talaabo ka qaadi doonaan kuwa ay ku cadaaro inay ku lug lahaayeen khamrida Ciidanka ilaalada kantaroolka Boosaaso ay qabteen.

Idilnews