Guddoomiyaha gobolka Wajeer oo xilkii laga qaaday

Aqalka Sanetka dalka Kenya ayaa xil ka xayuubin ku sameeyay Guddoomiyihii ismaamulka Wajeer Maxamed Cabdi Maxamuud, kaddib markii lagu soo eedeeyay inuu ku xadgudbay dastuurka Kenya.

Golaha Sanet-ka Kenya ayaa dood dheer ka yeeshay warbixin uu soo gudbiyay Guddi loo xil saaray baaritaanka eedaha loo jeediyay Barasaabka Wajeer, waxaana mooshinka xil ka qaadistiisa u codeeyay 25 xildhibaan oo ka tirsan 47-da mundane ee aqalka sare ee Senate-ka.

Barasaabka ismaamulka Wajeer ayaa waxaa horey xil ka qaadis ugu sameeyay Golaha Wakiilada ee ismaamulka Wajeer, kuwaas oo u gudbiyay Golaha Sanetka, waxaana Golaha oo u xil saaray guddi baara eedeymaha loo jeediya, ugu dambeyn ku sameeyeen xilka ka xayuubin.

Eedeymaha loo jeediyay Guddoomiyihii Ismaamulka Wajeer ee xilka laga qaaday, ayaa la xariira ‘ku xadgudbay dastuurka Kenya, jabinta sharciga dowladda ismaamulka Wajeer iyo in uu ku tuntay sharciga qandaraas bixinta’.

Maxamed Cabdi Maxamuud, ayaa noqonaya barasaabkii ugu horeeyay ee ka soo jeeda gobolka ay Soomaalida degto ee Waqooyi bari Kenya oo xil ka qaadis lagu sameeyo.