Puntland oo deeq waxbarasho siinaysa Ardayda Araga naafada ka ah (VIDEO)

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland ayaa shaacisay inay deeq waxbarasho siinayso ardayda baahiyaha gaarka ah qaba, gaar ahaan kuwa aragga naafada ka ah ee ka qeybgalaya Imtixaanka shahaadiga ah ee ka socda deegaanada Puntland.

Agaasimaha waaxda Imtixaanaadka ee Wasaaradda Maxamuud Maxamed Siciid (Ceynsane), ayaa xusay in Wasaaraddu ay dadaal badan galisay Waxbarashada Dadka baahiyaha gaarka ah qaba, ayna balanqaadayso inay Deeq Waxbarasho oo gaar ah la siiyo.