Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Puntland oo wareejiyay $18,000 dollar ah (VIDEO)

Xildhibaan Axmed-daad Jaamac Diiriye & Xildhibaan Faarax Khaliif Cilmi oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa lacag dhan $18.000.00 dollar ku wareejiyey Guddiga xallinta shaqaaqo horay uga dhacday miyiga Degmadda Isku-shuban ee Gobolka Bari taas oo ay kala qeyb-qaateen Golaha Wakiillada.

Labada Xildhibaan ayaa horay uga balan-qaaday inay dhankooda diyaar u yihiin sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen dhaqaale loo qorsheyay xal ka gaarista shaqaaqadaas, waxaana wareejinta maanta dhaqaalaha kala qeyb-galay Xildhibaan Faysal Axmed Geesdir, Guddoonka Gobolka Karkaar iyo qaar ka mid ah waxgaradka degaanka Qardho.

Xildhibaanada ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanada, Guddoonka Baarlamaanka gaar ahaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil kaalinta uu ka qaatay xal u helida shaqaaqadii ka dhacday miyiga Degmadda Isku-shuban.