Akhriso: Qodobada heshiiska ay ka gaareen ka gaareen Madaxda Soomaalida

Is afgarad hordhac ah,ayaa laga gaaray Shirkii socday maalmahan.

Heshiiskii 17-Sep iyo farsamadii Baydhabo,ayuu is afgaradkan ku salaysan yahay.

Arimaha laysku afgartay?

1.Arinta Gobolada Waqooyi waxaa layskaga afgartay in si siman loo qaybsado Lix iyo Lix,gudoomintana uu yeesho Cabdixaashi laguna qabto doorashada Xildhibaanadooda Teendhada Xalane.

2.Arinta Gudiyada Doorashada waxaa layskaga afgartay in dib loogu laabto heer walba ay yihiin lagana saaro Xubnaha la diidan yahay,sidoo kalena la dhiso Gudi khuburo ah.

Arimaha dib loo dhigay??

1.Arinta Gedo.

2.Arinta Hir-shabelle

3.Arinta Amaanka.

Is afgaradkan waa hordhac lagu bilaabayo doorashada Aqalka-sare,iyadoo Aqalka-hoose dib looga kulmi doono ka hor bilaabista doorashadiisa.

Is afgaradkan yuu guul u yahay?

1.Shacabka Somaliyed.

2.Rooble

3.Beesha Caalamka.

4.Pl iyo Jl.

Is afgaradkan yuu dhabar jab ku yahay ??

1.Farmaajo.

2.Fahad

3.Taageerayaashiisa.

Erayga ah in Rooble laga yeelay waxii laga diiday Farmaajo !!

Waa dhab oo waa loo tanaasulay Rooble,waxaana la diiday in iyadoon heshiis la gaarin Xamar laga tago,iyadoo taa laga duulayana,waxay Pl iyo Jl aqbaleen is afgarad doorashadu ku bilaabato.

Rooble waa uqalmaa in loo tanaasulo,sababtoo ah,waxuuna muujiyay hogaamin dabacsan oo la tijaabin karo,iskuna wada Somalida oo idil.

Maanta waxaa laga farxiyay Umada Somaliyed iyo Beesha caalamka la garab taagan taageerada hagar la’aanta ah.

Farmaajo waxaa lagu sii adkeeyay Godkii uu ku jiray ee horay loogu aaburay.

Isafgaradka Khamiista,ayaa la saxiixayaa,waxaana kasoo qaybgalaya Madaxweynayaashii hore.

Somaliya ha guulaysato.

Jibril Qoobey