Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Mali oo xabsi loo taxaabay

Bah Ndaw

Milateriga dalka Mali ayaa xiray Madaxweynihii, Ra’iisul-wasaarihii iyo Wasiirka Gaashaandhigga dowladda ku meel gaarka ah, ka dib markii isku shaandhayn lagu sameeyay golaha wasiirada.

Milateriga oo xubno ku waayay isku shaandhaynta ayaa madaxda ku xiray xero ciidan oo ku taalla magaalada Kati oo ka baxsan caasimada Bamako. sida lagu soo xigtay ilo diblumaasiyadeed.

Dalka Mali ayaa dhaca galbeedka Africa, inqilaab milateri oo dhacay Agoosto 2020 kii ayaa xilka looga tuuray, Madaxweyne, Ibrahim Boubacar Keita.

Xiritaanka hoggaanka rayidka ah ee Maali ayaa timid saacado kadib markii isku shaandheynta dowladda ay ku hartay labo askari oo hogaaminayay afgambiga bishii Ogoosto ee sanadkii hore waxayna sare u qaaday cabsida laga qabo in militariga labaad la wareego.

Hadal wadajir ah oo ay soo saareen Isniintii, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka iyo urur-goboleedka Galbeedka Afrika ee loo yaqaan ECOWAS ayay ugu baaqeen Milateriga in madaxweyne Bah Ndaw iyo ra’iisul wasaare Moctar Ouane “si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo”, iyagoona intaas ku daray “bulshada caalamku horay ayey u diidday ficil kasta oo qasab ah, oo ay ku jiraan iscasilaad qasab ah”.