Shir looga hadlayey u adkaysiga abaaraha oo lagu qabtay magaalada Garoowe (Sawirro)

Wasiir dowlaha Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim ayaa saaka shir gudoomiyey shir looga hadlayey u adkaysiga abaaraha.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay xoghaynta ku midaysan qor uqaadista arrimaha u adkaysigan Abaaraha (Resilience Secretariat Working Group ) kaas oo ujeedadiisu ahayd in daneeyayasha arrimaha u adkaysiga Abaaruhu ay ku falanqeeyaan xaaladaha taagan iyo in ay ku kala faa,idaan khibrad ku saabsan siyaabaha loo maareeyo khataraha ka yimaada arrimahaas.

Shir ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka socday Hay’adaha Dawladda Puntland, Hay’adaha caalamiga ah iyo midowga Consorium-kan Somali Resilience Program “SomRep” Shirka ayaa socon doona Mudo labo maalmood ah.