Akhriso: Qodobada ugu muhiimsan ee heshiiska Madaxda Soomaalida

Madaxda ka qeybgashay Shirka wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa saxiixay heshiiskii ay ka gaareen qodobadii la isku hayay, sida arrinta Gobalka Gedo, Hanaanka doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi, Turxaan bixinta Guddiga Doorashada iyo Amniga Doorashooyinka iyo Jadwalka Doorashada.

Akhriso qodobada ugu muhiimsan War-murtiyaadka Shirka wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka.

Arrinta Guddiga Doorashada

1: In la bedelo xubnaha guddiga Doorashada ee doodda dhaliyay.

2: In guddiga Doorashooyinka ay dhaxdooda iska soo doortaan guddoonkooda.

Arrinta Gobalka Gedo

1: In Gudoomiyaha Garbahaareey iyo Maamulkiisba uu soo magacaabo Madaxweynaha Jubbaland, 3: In amniga ay sugaan Booliska AMISOM.

Arrinta Doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi.

1: In guddiga doorahada Soomaaliland uu 6 xubnood uu soo magacaabo Gudoomiyaha aqalka sare.

2: In Arrimaha Doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble, isagoo la tashanaya Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka.

Amniga iyo Jadwalka Doorashada.

1: In 60 Maalmood gudahood ay ku dhacdo Doorashada Soomaaliya.

2: In ciidamada aysan ku milmin siyaasadda.

Idilnews