Puntland oo tababar u soo xiraysa Cutubyo kamid ah Ciidanka Booliska (Sawirro)

Qaban-qaabada munaasabad tababar loogu soo xirayo cutubyo kamid ah Ciidanka Booliska Puntland ayaa ka socota dugsiga tababarada Ciidammada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

Guddoomiyaha Guddiga dib-u-habeynta Ciidammada Puntland ahna Wasiirka Maaliyadda Puntland Hasan Abgaal, iyo Taliyayaasha Ciidanka Booliska iyo Daraawiishta, ayaa gaaray dugsiga xorgoble.

Xukumadda Puntland ee uu hoggaaminaayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wali ku guda jirta dhismaha Ciidamada waana balan qaad- yadii Madaxweyne Deni oo guulo wax ku ool ah laga gaaray.

Jibril Qoobey