Ciidanka Xoogga Dalka oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano cusub

Ciidamada Xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgalada ka dhanka ah dagaalameyaasha Al-Shabaab, kaasi oo ay ka wadaan deegaano ay hore ugu sugnaayeen dagaalamayaasha Alshabaab ee gobolka Shabeellada dhexe.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Milatariga ay dileen saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalkan oo uu hoggaaminaya taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo isugu jira ciidamadii dhowaan ka soo horjeestey muddo kordhinta iyo ciidamo kale ayaa Al-shabaab looga saaray deegaanada Gal-labashiir, War dhagax, war ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere, Galka Xarareey oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe.

Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ku dhawaad 100-dagaalame iyo saraakiil isugu jira howlgalka lagu dilay, sidoo kalena looga furtay hub iyo gaadiid dagaal, dagaalameyaal kalena nolosha lagu qabtay.

Howlgalka oo wali ka socda gobolka shabeellada dhexe ayaa lagu baadi goobayaa xubno ka tirsan Al-shabaab