Col. Qabaal “100 shil baa ka dhacay Puntland 5 bilood ee lasoo dhaafay” (VIDEO)

Taliye kuxigeenka hoggaanka nabad-gelyada waddooyinka Dowladda Puntland Col. Ismaaciil Xirsi Shirwac (Qabaal), ayaa sheegay in 5 bilood ee ugu dambeysay ay deegaanada Puntland ka dhaceen in ka badan 100 shil oo baabuur ah, kuwaas oo ay ku dhinteen illaa 20 Ruux.

Col. Ismaaciil Qabaal ayaa sheegay in shilalka dhacay ay u badnaayeen gaadiid gudoomay, waxaana uu ugu baaqay mulkiilayaasha gaadiidka iyo waalidka dhalinyarada in dadka loo dhiibayo gaadiidka ay yihiin dad masuuliyiin ah.

“In ka badan 100-shil oo baabuur ah ayaa ka dhacay 5-dii bilood ee u danbaysay deegaanada Puntland, ilaa 20 ruuxna waa ay ku dhinteen, waxaan uga digaynaa dadka mulkiilayaasha ah ee gaadiidka leh inay u dhiibaan dad masuuliyiin ah” ayuu yiri Col. Ismaaciil Qabaal,