Sacuudiga oo xayiraadii socdaal ka qaaday Dalal ay ku jirto Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Sacuudiga ayaa shaacisay in laga bilaabi Maanta oo Axad ah in loo fasaxay Dhoofayaasha 11 dal inay soo geli karaan  Sacuudiga.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dhoofayaashaasi laga baari doono COVID-19 marka ay ka soo degaan Garoomada Diyaaradaha ee Sacuudiga.

Dhoofayaasha loo oggolaaday inay booqan karaan Sacuudiga ayaa ah kuwa ka kala imaanayo dalalka Maraykanka, UK, Talyaaniga, Jarmalka, Sweden,  Switzerland, Ireland, Portuqiiska,  imaaraadka Carabta, Faransiiska, Japan & Soomaaliya.

Dhowr Bilood ka hor ayaa  Maamulka Guud ee Duulista Hawada Sacuudiga waxaa ay  soo saaraeen Go’anka cusbooneysiinta xayiraadaha safarka ee loogu tala galay dadka  tagaya Boqortooyada Sacuudiga si looga digtoonaado fafitanka cudukra safmareenka ah ee COVID-19.