Madaxweyne Deni oo maanta kusoo laabanaya Garoowe

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu maanta dib ugu soo laabto magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaddib muddo ka badan Asbuuc oo uu ku sugnaa magaaladda Muqdisho oo uu uga qeybgalay Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo lagu xaliyay qodobadii caqabada ku ahaa hirgalinta heshiiskii 17-kii September.

Madaxweyne Deni ayaa maalmaha soo socda Isbedel ku sameynaya Golaha Wasiirada Xukuumadda uu hoggaamiyo, iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Puntland.

Jibril Qoobey