Waqtiga diiwaangalinta codbixiyayaasha degmadda Eyl oo la kordhiyay

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa 4 maalmood ku kordhisay mudada Diiwaangelinta codbixiyayaasha degmadda Eyl ee Gobalka Nugaal, maadama ay maanta ku ekeyd 14 cisho ee horey Guddigu u Iclaamiyay.

“Maadaama isdiiwaangelinta codbixiyayaasha degmada Eyl ku ekayd maanta dadka sida maalinlaha ah isku diiwaangelinayana ay wali aad u badanyihiin, waxaa Guddigu ku daray 4 maalmood si ay dadku jaanis ugu helaan inay isdiiwaangeliyaan”.

Jibril Qoobey