Madaxweyne Deni oo tababar u soo xiraya maanta boqolaal Ciidan ah

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa saaka ku wajahan magaaladda Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, isagoona tababar u soo xiraya cutubyo katirsan Ciidanka Booliska Puntland oo tababar uga socday muddo dugsiga tababarada Xorgoble.

Qaban-qaabada munaasabadda tababarkan loogu soo xirayo Ciidanka Booliska ah ayaa maalmahan ka socotay dugsiga Xorgable. Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa inuu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyo munaasabadda.

Idilnews