Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Agaasimayaal Guud

Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa Agaasimayaa Guud ool cusub u magacaabay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Caafimaadka ee DFS.

Qoraal lagu baahiyay barta Twitter-ka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Xasan Maxamed Siciid ayaa uu u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, halka Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim uu u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka.

Jibril Qoobey