Safiirka Imaaraadka ee Israel oo Duco ka codsaday culimada Yuhuuda!!

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Israel ayaa sheegtay in safiirka Imaaraatka u jooga Israel inuu Booqday Guriga madaxa Golaha Wadaadada Caqiidada Tawraat ee israel .

Wargeys ku Hadla afka Wasaaradda Arimaha Dibeda ee Israa’iil oo arintan ka hadlaya ayaa Bartiisa Twitterka kusoo qoray Qoraal sidan u Qornaa .

“Maanta Safiirka imaaraatku Wuxuu kasoo Barakaystay Wadaadka ugu sareeya Golaha CaqiidadaTawraat Shalom Cohen ,iyadoo markii Safiirku uu Booqday guriga Wadaadka oo ku yaal Qudus, Wuxuuna halkaas sidoo kale kasoo helay barakada Culimada ugu waaweyn Yuhuuda ”

Wargeyska ayaa intaas ku daray in safiirka imaaraatka Maxamed Al Khaja iyo Raahibka ugu sareeya caqiidada Tawreed uu ku saabsanaa Dardargelinta heshiisyadii Ibraahiimiyada , Iyagoo is dhaafsaday hadiyado .

Safiirka imaaraatka Maxamed Al Khaja ayaa ku casuumay Shalom Cohen oo ah Wadaadka ugu sareeya Golaha CaqiidadaTawraat inuu kasoo kaqeyb galo furitaanka Macbadka Saddexda Diimood ee Abraham ee Laga furayo Magaalada Abu Dhabi.

Madaxa Caqiidada Tawraat Shalom Cohen oo la dardaarmayey Sadiirka imaaraatka wuxuu ku yiri Sidan.

“ Mudane Safiir Heshiisyadii Israel iyo imaaraatku wada galeen ma ahayn heshiisyo nabadeed iyo Siyaasadeed oo keliy, Sababtoo ah dhamaan nuxurku Heshiisku wuxuu ahaa arin diimeed iyo mid ruuxi ah ”.

Isha: Jubba