Fahad Yaasiin oo iska casilaya Hay’adda NISA iyo Gen. Xijaar oo loo magacaabayo

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa Gen. Cabdi Xasan Xijaar u magacaabaya Agaasimaha cusub ee Hay’adda NISA, kaddib is-casilaada dhowaan la shaacin doono ee Fahad Yaasiin oo ah musharax kursi kamid Golaha Shacabka BJFS.

Sida ay ilo-sirdoon u sheegeen Idilnews, Fahad Yaasiin ayaa is casilaya bartamaha bishan June, waxaana u tartami doonaa kursi kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka oo lagu dooran doono magaaladda Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Gen. Xijaar ayaa hadda ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana uu horey uga tirsanaan jiray Nabad-sugidii Dowladii Milateriga ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Idilnews,