XOG: Madaxweyne Deni oo ka diiday Mareykanka wareejinta Ciidanka PSF-ta Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa mar kale iska diiday dalab uga yimid Dowladda Mareykanka oo ahaa in amarada Ciidanka PSF-ta Puntland la hoos-geeyo Taliska Ciidanka Komaandooska Soomaaliya ee Balli-doogle ee Gobalka Shabellaha Dhexe.

Sida ay Idilnews u sheegeen saraakiil sare oo katirsan Madaxtooyadda Puntland, Dowladda Mareykanka ayaa qoraal ay soo gaarsiisay dhowaan Madaxweyne Deni kaga codsatay in Puntland ay ogalaato in Ciidanka PSF la hoos geeyo Saldhiga Mareykanka ee Balli-doogle, si lamid ah Ciidanka Kumaandoosta DF Soomaaliya ee DANAB, taas oo uu ku gacan seyray Madaxweynuhu.

Said Abdullahi Deni ayaa u sheegay Mareykanka in aysan Puntland marna aqbali doonin inay wareejiso Mas’uuliyadda Ciidamadeeda PSF-ta oo kamid ah Ciidanka dagaalka tooska ah kula jira Argagixisada, balse taa badalkeeda aysan dhib u arkin in Mareykanku joojiyo taageerada dhaqaale iyo saanada uu siiyo Ciidankaas.

Wada-hadalka ayaa ku dhamaaday is afgarad waa, ilo-wareedyo rasmi ah ayaana inoo sheegay in Madaxweynaha Puntland uu kulan ku saabsan soo jeedinta Mareykanka ee Ciidanka PSF-ta uu la yeeshay La-taliyayaashiisa Amniga, kuwaas oo ay isla meel dhigeen in aysan taas marna macquul aheyn, Sidoo kalena Puntland ay maanta awood u lee dahay mushaaraadka iyo saadka Ciidammadan.