Akhriso: DF Soomaaliya oo bilowday olale lacag loogu aruurinayo Ciidanka Dowladda

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka bilowday baraha bulshada olale dhaqaale loogu aruurinayo Ciidanka Qaranka, kaddib markii dhaqaale xumo baahsan ay soo wajahday Dowladda kaddib markii ay Beesha Caalamka jartay kaalmadii dhaqaale ee ay siin jirtay Soomaaliya.

Joojinta kaalmada caalamka ee DF Soomaaliya ayaa timid kaddib markii muddo-xileedkii dastuuriga ahaa uu ka dhamaaday Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo, sidoo kalena khilaaf siyaasadeed uu hareeyay hanaanka doorashooyinka dalka.

Wasiirka Maaliyadda DFS Abdirahman Dualeh Beileh, ayaa dhowaan shaaciyay in dhaqaale xumo baahsan wajahayso Dowladda, ayna marteen khasnadihii Lacagta, kaddib markii Beesha Caalamku joojisay dhaqaalihii ay ku kabi jirta miisaaniyadda Dowladda oo ahaa 70%.

Idilnews