Axmed Madoobe oo la kulmay xubnaha Golaha deegaanka degmadda Afmadow (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah xildhibaanada Golaha deegaanka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Kulankan waxaa ka qeygalay Wasiirka arimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisinta Maxamed Warsame Darwiish, waxaana looga hadlay sidii loo dardar galin lahaa adeegyada bulshada iyo shaqooyinka maamulka Magaalada Afmadow.