Guddiga dib-u-habeynta Ciidanka Puntland oo la kulmay macalimiinta dugsiga Xorgoble (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen, ayaa qado-sharaf u sameeyay maanta Macalimiinta iyo Maamulka dugsiga tababarka Ciidamada ‘Xorgoble’ ee magaaladda Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar.

Munaasabadda qado-sharafta aheyd ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Amniga iyo Maaliyadda iyo Taliyaha Ciidanka Darawiishta Gen. Yaasiin Cumar Dheere, oo ah Guddiga dib-u-habeynta Ciidammada Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen, ayaa mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay Macalimiinta iyo Maamulka dugsiga tababarada Xorgoble, shaqada wanaagsan ee ay ka soo qabteen Tababarka Ciidamada kala duwan ee Puntland kuwaa oo Sanadihii danbe ay Xukuumada Puntland ugu jirtay sidii dib-u-habayn loogu samayn lahaa qaybahooda kala duwan.