Turkiga oo Kenya ka iibinaya Gaadiidka gaashaman ee casriga ah

Shirkadda Turkiga ee horumarinta Gawaarida Katmerciler ayaa shaacisay inay ka heshay codsi ah iibsashada gawaarida gaashaaman dowlada Kenya.

Dowlada Kenya ayaa waxa ay dooneysaa inay ka soo iibsato illaa 118 gaari oo nooca gaadiidka gaashaaman ah iyadoo la soo bandhigi doono gaadiidkaas bisha August ee sanadkan 2021.

Wadanka Kenya ayaa noqonaya dalka saddexaad ee ku yaal qaarada Afrika oo shirkada Hizir 4×4 ka soo iibsada gaadiidka dagaalka.

Afhayeenka Ciidamada Difaaca Kenya Ziborah Kiyoko ayaa sheegay in Dalkiisa oo ku howlan yahay la dagaalanka Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in ay u baahan yihiin Gawaari dagaal oo tiro ahaan dhan 118.