Madaxweynaha Ruushka oo eedeyn u jeediyay dhigiisa Mareykanka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku eedeeyay Mareykanka caddaalad darro ah sida sida loola dhaqmayo muddaharadaayaashii rabashadaha watay ee Capitol.

Wuxuu sheegay in ay khalad tahay in Mareykanku uu dhaleeceeyo howlgalada ka dhanka ah dibadbaxyada dowladda looga soo horjeedo ee ka dhacaya dibadda, iyadoo isla markaana lagu maxkamadeynayo dadka Mareykanka ah waxa uu ku sheegay “dalabyo siyaasadeed”.

Mar uu ka hadlayay kulan ganacsi oo ka socday St Petersburg, ayuu Mr Putin saadaaliyay sida uu noqon doono kulanka uu Madaxweyne Joe Biden kula yeelan doono Geneva, Switzerland.

Wuxuu sheegay inuusan fileyn in is faham waa uu ka dhaco kulanka ay labada madaxweyne yeelan doonaan 16 June.