Somaliland: Haweenka oo kusoo bixi waayay doorashada Baarlamaanka

Haweenkii iska sharaxay Sadexda Xisbi Kulmiye Wadani iyo Ucid Kana sharaxnaa Gobolada Somaliland,ayaan mid kasoo bixin.

Xildhibaanada la doortay,ayaa dhamaantood noqon doona Rag aanay Wax Dumar ahi taraxin.

Haweenkii isku Sharaxay Xildhibaannimada Golaha Wakiilada Goboladaas,ayaa ahaa kuwo Aqoonyahano u badnaa oo dadaal xoog badan ka muujiyey Ololihii.

Puntland oo weli Baarlamaankeeda hab beeleed lagu soo xulo,ayaa waxaa Golaha Baarlamaanka fadhiya Laba Haween ah oo Qabiiladu soo doorteen.

Tani waa mid ceebaysay doorashadii Maamulka Waqooyi ee Somaliland.

Jibril Qoobey.