VIDEO: Madaxweyne Axmed Karaash oo soo xiray Todobaadka dhaqanka Puntland (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa soo xiray munaasabadda todobaadka dhaqanka Puntland oo muddo todobo maalmood ah ka socotay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta Hidaha Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Puntland oo iyadu soo diyaarisay munaasabadda.

Todobaadkii ayaa munaasabaddu socotay waxaana lasoo bandhigay agabka iyo suugaan dhaqameedka Soomaaliyeed, si gaar ah waxyaabaha ay caanka ku yihiin dadka reer Puntland.