Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ka qeybgalay Munaasabad ay ku qalin-jabinayeen Arday (VIDEO+Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril ayaa caawa ka qayb-galay Munaasabad ay ku qalin jabinayeen 15-arday oo dhameysatay waxbarashada heerka 2aad ee Jaamacada Asian University ee Dalka Bangaladesh.

Ardayda qalinjabisay waxaa kamid ah Guddomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada AVV. Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan, Xildhibaan Aweys Axmed Sardheeye iyo Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Xidig Warsame.

Munaasabada waxaa ka qaybgalay Wasiirka Waxbarshada iyo Tcaliinta sare mudane, Cabdulaahi Maxamed Xassan, Wasiir kuxigeenno, Xildhibaanno katirsan Golaha Wakiilladda, Wakiillada Jaamacada ee xafiiska Puntland, Aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay.

Guddoomiyaha Baarlamanka oo kalmad ka jeedisay xaflada qalinjabinta ayaa u hambalyeeey ardayda qalinjabisay gaar ahaan Masuuliyiinta Golaha wakiillada, waxaana uu kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan da’daalkooda aqooneed.