Maxaa kasoo baxay kulankii dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Ganacsatada Puntland ? (Sawirro)

Garoowe : 16 June 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan casho ah la yeeshay Ganacsatada Puntland.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay ganacsatada horumarka dalka ka socda iyo guulaha dowladdu ka gaartay dhinacyada Amniga, Dimuqraadiyadda, Kaabayaasha dhaqaalaha , Arrimaha Bulshada iyo Tayeynta Hay’addaha Dowladda. Wuxuuna ku booriyay in ay iyana doorkooda ka qaataan.

Ganacsatada ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay Shaqada wanaagsan ee socota iyo isbedelka dhabta ah ee muuqda. Waxayna la wadaageen Madaxweynaha inay diyaar u yihiin wixii doorkooda ah inay sii laba jibaaraan ka qeyb qaadashada horumarka.

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.