Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Masuuliyiinta mu’asasada Ummah (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay masuuliyiinta mu’asasada Ummah ee dacwada waxbarashada iyo hormarinta bulshada.

Masuuliyiinta ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay sidii uu u garab taagan yahay tartanka quraanka kariimka ee Magaalada Kismaayo oo Madaxweynahu uu ku bixiyo abaalmarino kala duwan.

Tartankan oo sanadle ah ayaa waxaa soo qaban qaabisa Wasaarada Cadaalada Owqaafta iyo arimaha diinta.