Museveni oo xayiraad cusub kusoo rogay Dalka Ugandha

Madaxweynaha Uganda Yowreri Museveni ayaa jimcihii soo saaray tallaabooyin cusub oo looga hortagayo Coronavirus oo ay ka mid tahay mamnuucidda dhammaan socodka gawaarida, marka laga reebo shaqaalaha muhiimka ah si ay gacan uga geystaan xakameynta mawjadda labaad ee COVID-19.

Waddanka bariga Afrika ayaa sida dalal kale oo Afrikaanka ah waxaa dul maray mowjaddii hore ee xanuunkan, waxaase si lama filaan ah si weyn kor ugu kacay tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka COVID-19, kaddib markii masuuliyiinta dalkaas ay xaqiijiyeen inuu soo gaaray bishii hore nuuca xanuunka ka soo billowday India.

“Dalka waxaa la soo gudboonaaday koro ka sii daraya ee xanuunka faafa ee COVID-19” ayuu Museveni ku ku yiri khudbad telefishinka laga sii daayay.