Sawirro: Ciidanka Dowladda oo dilay xubno kamid ah kooxda Al-Shabaab

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waaa la sheegay inay sameeyeen howlgal lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii  Al-Shabaab ay Saddex jeer weeraraan saldhigyada ciidanka ay ku leeyihiin degmadaasi Diinsoor ee gobolka Bay, habeenkii xalay, waxaana halkaasi ka dhacay daga xoogan oo muddo saacado ah socday.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliyeed ayaa Warbaahinta Codka Ciidamada Qalabka Sida u sheegay inAl-Shabaabkii weerarka soo qaaday halkaasi looga dilay 24 xubnood oo halka tiro intaasi ka badan looga dhsawacay.

Sidoo lale Afhayernka waxaa uu sheegay in dagaalka ay sidoo kusoo furteen hub farabadan, isla markaana Ciidamada dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonaan.

Degmada Diinsoor oo ah magaalo istratiiji ah ayaa khiyaas ahaan Baydhabo u jira 100 Km, waxayna ku taalaa xadka gobolada Bay, Sh. Hoose, Gedo iyo Jubbooyinka, halkaasi oo ay difaacyo xooggan ay ku leeyihiin cutubyo ka tirsan ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed gaaar ahaan, talista qeybta 60-aad.