Sweden: Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Lofven oo codka kalsoonida ah lagala laabtay

Sweden's Prime Minister Stefan Lofven during a media conference after the no-confidence voting in the Swedish Parliment, Stockholm, Monday June 21, 2021. Stefan Lofven, Sweden’s Social Democratic prime minister since 2014, lost a confidence vote in parliament Monday. (Anders Wiklund / TT via AP)

Baarlamaanka Sweden ayaa kalsoonidii kala laabtay raisal wasaare Stefan Lofven kadib markii Mooshin la horgeeyay baarlamaanka.

Guud ahaan 181 ka mid ah 349 mudane ayaa u codeeyay mooshinka, 51 ayaa ka aamustay. Waa markii ugu horeysay taariikhda Sweden ee raiisul wasaare lagu rido codeyn noocan ah.

Hogaamiyaha xisbiga Sooshal dimuqraadiga ayaa heysta mudo todobaad ah inuu is casilo ama uu ku dhawaaqo doorasho deg deg ah.

Go’aanka ayaa yimid kadib markii khilaaf ka dhashay xakameynta kirada ay keentay in xisbiga Bidixda ay ka laabtaan taageeradooda isbaheysiga.

Natiijadu waxay ka dhigan tahay burbur ku yimid dowladdii isbahaysiga tirada yar ee Sooshal dimuqraadiga iyo xisbiga cagaaran.

Haddii ra’iisul wasaaruhu go’aansado inuu xilka ka dago, afhayeenka baarlamaanka wuxuu ku qasbanaan doonaa inuu bilaabo wadaxaajoodka dhinacyada kala duwan si uu u soo dhiso dowlad cusub.

Xisbiga Bidixda Swedan ayaa ku baaqay codka kalsoonida asbuucii la soo dhaafay iyadoo khilaaf uu ka taagnaa soo jeedinta in la joojiyo kirada guryaha kirada ah ee guryaha cusub. In kasta oo xisbiga Mr Lofven aanu taageersanayn tallaabadaas, haddana waxay oggolaadeen inay tixgeliyaan qorshayaasha lagu qancinayo xisbiyada kale ee mucaaradka ah.