Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo dayactir lagu sameynayo (Sawirro)

Gudoomiyaha gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, iyo Wafti uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin Duqa degmada Gaalkacyo, xubno ka socday Madaxtooyada Puntland iyo wafti uu hogaaminayo safiirka Ethoipa ay u magacawday Soomaaliya ayaa galabta ka soo gaaray garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.

Masuuliyiinta ayaa sahmin iyo kormeer ku sameeyay qaybaha burbursan ee Garoonka, iyagoo sheegay inay dayactir ku samayn doonaan.