Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah ee Baarlamaanka Puntland oo kulan yeeshay (Sawirro)

Guddiga Dhawrista Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo akhriska labaad ku sameynaya Hindise Xeereedka Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Dawladda Puntland, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada waxay maanta kulan wada tashi ah xarunta Golaha kula yeesheen Wasaaradaha iyo hay’adaha uu khuseeyo xeerkaasi.

Guddiga iyo dhinacyada uu hindise xeerku saameynayo ayaa falanqeeyey ujeeddooyinka Hindise Xeereedka iyo ahmiyadda Xaruntu u leedahay Dawladda Puntland, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee Puntland yeelanayso xaruntan.