XOG: Puntland oo Gaalkacyo ku tooganaysa 18 xubnood oo katirsan Al-Shabaab

Sida ay ogaatay Idilnews Puntland ayaa qorsheynaysa in maalmaha soo socda toogasho lagu fuliyo 18 xubnood kamid ah Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dhowaan xukun dil ah ku riday Maxkamadda Sare ee Ciidanka qalabka sida ee Puntland.

Toogashada Ragan ayaa ka dhici doonta fagaare ku yaalla duleedka magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaana lagu wadaa inuu saxiixo fulinta xukunka dilka ah ee 18 xubnood ee katirsan Al-Shabaab saacadaha soo socda.

Ragan lagu fulinayo xukunka dilka ah ayaa isugu jira Saraakiil iyo maleeshiyo Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalkii iyo qaraxyadii Gaalkacyo ka dhacayay muddo ka badan 13 sanno, waxaana gacanta ku dhigay Sirdoonka iyo Booliska Puntland.

Idilnews