Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada oo maanta tagaya Muqdisho

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxda ayaa ka qeybgalaysa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen ayaa jimcihii gaaray Muqdisho. Waxaana haatan socota qabanqaabada soo dhaweynta Madaxda maanta tagaysa Muqdisho iyo furitaanka Shirka Golaha wada-tashiga Qaran oo lagu wado inuu bilowdo berri oo axad ah.

Idilnews