30 kamid ah qoysaskii ay saameysay duufaanti GAATI oo guryo la siiyay (VIDEO)

Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Fadraalka Iyo Dimukhraadiyaynta Dawlada Puntland Mudane Cabdiwali Mire Xirsi oo ay Waheliyaan Agaasimaha Waaxda Masiibooyinka Cawil Bulle Iyo Saraakiil Ka Socota Hayada Islaamic Relief ayaa Gaaray Deegaanka Cadayo oo ka Tirsan Degmada Gumbax ee Gobolka Gardafuu.

Wafdiga Waxaa Deegaanka Cadayo Kuusoo Dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Muuse Saalax Guuleed Gudoomiyaha Degmada Gumbax Maxamuud Axmed Muuse Isuduwaha Wasaaradda Amniga Gobolka Gardafuu Shire Xaaji Yuusuf Nabadoono Waxgarad Iyo Bulshada Kala Duwan ee Deegaanka Cadayo.

Wafdiga ayaa inta ay ku Sugnaayeen Deegaanka Cadayo Xariga Ka Jaray Mashruuc ay Fulisay Hayada Islaamic Relief oo ahaa 30Guri oo Loogu Talagalay Dadka Danyarta ahaa ee ay Duufaanti Gaati Saamaysay Waxana kala Wareegtay Wasaaradda Arimaha Gudaha Fadraalka Iyo Dimukhraadiyaynta Dawlada Puntland si ay Dib Udajin Ugu Samayso Dadki ay Guryaha Badu Ka qaadatay.