Beesha Digil iyo Mirifle oo taageertay dagaalka Puntland kula jirto Argagixisada (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur, ayaa Hadiyad dhaqameed ka ay caanka ku tahay Koonfur-galbeed ka gudoomay Suldaanka Beesha Digil iyo Mirifle Suldaan Ibraahim Suldaan Maxamed.

Shan kamida Nabadoonada Beesha Digil iyo Mirifle iyo Suldaan Ibraahim ayaa uga mahadceliyey Gudoomiyaha Gobolka Mudug mudadii sanadka ahayd ee uu joogay Gobolka sida muuqata ee ay uga heleen garab istaaga iyo Taageerada Beesha Digil iyo mirifle ee ku nool Gobolka Mudug iyo sida wanaagsan ee ugu gartay Nabadoonadu in ay helaan Cararka Aqoonsiga Nabadoonimo ee heer Gobol.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa uga mahadceliyey Suldaanka iyo Nabadoonada Beesha Digil iyo Mirifle sida ay ugu garteen Hadiyada Dhaqameedka ay caanka ku tahay Koonfur-galbeed, oo isugu jirta Dhar iyo Agab Soomaaliyeedka, waxuu sidoo kale gudoomiyuhu ugu Hambalyeeyey sida aysan uga soo dhexmuuqan Argagixisadii Dagaalka lagula jiro iyo kuwii xukunku uu ku fulayba, sidoo kalena waxuu la wadaagay horay iyo markastaba in uu diyaar uyahay ka Gudoomiye ahaan in ay sii wada shaqeeyaan waxii garab istaagana uu diyaar ula yahay.