Puntland: Arday ka baxday dugsiyada Sare oo loogu baaqay kamid noqoshada Ciidanka Booliska

Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa ku wargalisay Ardayda Reer Puntland ee dhameysatay dugsiyadda Sare in loo hayo fursad la xariirta kamid noqoshada Ciidanka Booliska Puntland.

Qoraal lagu baahisay barta Facebook Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sidoo kale lagu shaaciyay shuruudaha looga baahan yahay Ardayda dalbanaysa kamid noqoshada Ciidanka Booliska Puntland.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka

Ogeysiis ….. Ogeysiis.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland waxa ay ogeysiinaysaa dhammaan ardayda dhammaysatay dugsiyada sare ee Puntland in loo hayo fursad ka mid noqosho ciidanka booliiska Puntland.

Shuruudaha looga baahanyahay qorista ciidanka booliska Puntland:

1- Waa in uu Puntlander yahay.

2- Waa inuu caafimaad qabaa; jir ahaan iyo maskax ahaan.

3- Waa in uusan wax balwad ah lahayn.

4- Waa in uusan danbi ka gelin dalka.

5- Waa in uusan ka yarayn 18 gu’.

6- Waa in uu haystaa shahaadada dugsiga sare ee Puntland.

7- Waa in uusan dhererkiisu ka yarayn 1.75M.

Ciddii danaynaysa waxay CVyada ku soo hagaajin karaan iimayllada iyo telefoonnada kala ah:

*Telefoonnada* 0907743400 iyo 0907744513

*Emaillada*

1-deeq.Hurre99@gmail.com

2-bicir21@gmail.com