Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada oo Guddoomiye KMG ah doortay

Kulankii ugu horreeyay oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xubnaha  Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban  ee Heer Federaal 2020-2021  ayaa waxaa ay ku doorteen Guddoomiye kumeel gaar ah.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga ayaa waxaa ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in uu gudoomiye ku meel gaar ah u noqdo qofka ugu da’da weyn xubnaha, waxaa ku guuleystay Cabbdullaahi Abyan Nuur.

Xubnaha uu ka kooban yahay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban  ee Heer Federaal ayaa soo dhaweyey doorashada Guddoomiyaha, iyaga oo sheegay inay Shaqadooda si wanaagsan u gutan.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban  ee Heer Federaal ayaa Shaqadooda waxaa ay tahay xalinta hadii uu khilaaf ama isqabqabsi ka dhasho doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya